Xaaladda amni ee dalka iyo baahida loo qabo iskaashi siyaasadeed oo lagu wajaho khataraha amniga ayaa la sheegay inay ahaayeen qodobka ugu weyn ee kulamada uu Muqdisho kula yeeshay siyaasiyiinta mucaaradka
Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, Mahad Maxamed Salaad.
Kulamadan ayaa ku soo aadaya xilli ay isa soo tarayaan walaacyada laga qabo dib-u-soo-kabashada Al-Shabaab iyo awoodda kooxda ee ay ku sii wadi karto weerarrada ka dhanka ah dowladda iyo shacabka.
Mahad Salaad ayaa mucaaradka gaarsiiyay laba farriimood oo uu ka siday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo ku saabsan xaaladda amniga iyo wada-hadalka siyaasadeed.
Farriinta koowaad ayaa ahayd in loo baahan yahay taageero iyo iskaashi mideysan oo heer qaran ah si looga hortago khataraha amni ee dalka wajahaya.
Farriinta labaadna waxay ahayd baaq uu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu jeedinayo mucaaradka inay aqbalaan gogosha wada-hadalka siyaasadeed
Mowqifka dowladda ayaa ah in iskaashi buuxa oo dhinacyada siyaasadda ah iyo heshiis siyaasadeed ay muhiim u yihiin in dalka si mideysan uu uga jawaabo caqabadaha amni.
Wada-hadallada ayaa la qorsheeyay inay Muqdisho ka dhacaan 14-ka illaa 18-ka Nofeembar, waxaana lagu casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimada Qaranka iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Ajandaha kulanka waxaa la filayaa inuu xoogga saaro khilaafaadka siyaasadeed, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka, iyadoo dowladda ay qorsheynayso in doorashada baarlamaanka la qabto 15-ka Abriil 2027.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku adkeysanaya in wada-hadallada siyaasadeed ay u baahan yihiin dhexdhexaadin caalami ah si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Goluhu wuxuu dalbaday in wakiillada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho ay ka qeyb qaataan wada-hadallada.
Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay isku dayayso inay mucaaradka ku khasabto mowqifkeeda ku aaddan hannaanka doorashooyinka.
Wuxuu sheegay in mucaaradku doonayaan wada-hadallo daahfuran oo lagu gaaro hannaan doorasho oo loo dhan yahay.
Khilaafka siyaasadeed ayaa sidoo kale salka ku haya wax-ka-beddelka dastuurka iyo habka loo maamulayo doorashooyinka soo socda.
Kulamada Mahad Salaad iyo mucaaradka ayaa muujinaya isku dayga dowladda ee ku aaddan in xaaladda amni iyo khilaafka siyaasadeed lagu wajaho is-afgarad qaran.
Hase yeeshee, waxaa weli taagan kala aragti duwanaanshaha ku saabsan qaabka wada-hadallada loo qabanayo, hannaanka doorashooyinka iyo doorka dhexdhexaadinta caalamiga ah.
