Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay naqshadda baasaboorka cusub ee dalka, kaas oo lagu daray astaanta Bulshada Bariga Afrika, tallaabadaas oo muujinaysa in Soomaaliya ay u gudbeyso adeegsiga dukumentiyada socdaalka ee nidaamka EAC.
Baasaboorka cusub ayaa la filayaa in dhawaan la bilaabo daabacaaddiisa, iyadoo isbeddelkan uu qayb ka yahay dadaallada lagu waafajinayo nidaamka socdaalka Soomaaliya iyo kan dalalka kale ee xubnaha ka ah ururka.
Sawirrada ay baahisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa muujinaya saddex nooc oo baasaboorka cusub ah.
Baasaboorka caadiga ah oo buluug ah, kan adeegga oo cagaar ah iyo kan diblomaasiga ah oo casaan ah. Mid ka mid ah astaamaha cusub ayaa ah magaca iyo summadda Bulshada Bariga Afrika oo lagu daray dukumentiga, taas oo la xiriirta ku biiritaanka Soomaaliya ee nidaamka baasaboorrada EAC.
Ku biiritaanka nidaamkan ayaa muhiim u ah isku-waafajinta dukumentiyada socdaalka, xaqiijinta aqoonsiga dadka safarka ah iyo xoojinta amniga baasaboorrada, iyadoo la adeegsanayo halbeegyo ay wadaagaan dalalka xubnaha ka ah ururka.
Dhanka isu-socodka dadka, nidaamka EAC waxaa loogu talagalay inuu fududeeyo socdaalka muwaadiniinta dalalka xubnaha ka ah, inkasta oo shuruudaha gelitaanka iyo fiisaha ay weli ku xiran yihiin xeerarka dal kasta.
Soomaaliya ayaa Bulshada Bariga Afrika ku biirtay sanadkii 2024, iyadoo xubinnimadeeda ay abuureyso fursado cusub oo la xiriira ganacsiga, isu-socodka dadka iyo iskaashiga gobolka.
Baasaboorka cusub ayaa sidoo kale la sheegay inuu waafaqsan yahay halbeegyada amniga dukumentiyada safarka ee Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah, ICAO, kuwaas oo looga golleeyahay in la yareeyo been-abuurka, lana xoojiyo kalsoonida lagu qabo baasaboorka Soomaaliya.
