Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in maamulkiisu si dhow ula socdo waxa uu ku tilmaamay dadaallo lagu abaabulayo maleeshiyaad ka howlgala deegaanno ka tirsan Puntland.
Deni oo sheegay in Madaxweynaha ‘waqtigiisu dhammaaday’ ayaa ku eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud inuu dhaqaale ku bixinayo abaabulka dhalinyaro maleeshiyaad ah oo lagu diyaarinayo deegaanno ka tirsan Puntland.
“Dowladda Puntland waxay si dhow ula socotaa in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu dhaqaale ku bixinayo in dhalinyaro maleeshiyaad ah lagu abuuro deegaanno ka tirsan degmooyinka Xaafuun, Beyla, Eyl iyo Jarriiban“. Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland
Saciid Deni ayaa si gaar ah u xusay degmooyinka Xaafuun, Beyla, Eyl iyo Jarriiban, kuwaas oo uu sheegay in laga wado abaabulka dhalinyaro maleeshiyaad ah
Eedeyntan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland
Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha uu soo jeediyay Madaxweynaha Puntland.
