Ilaalada Xeebaha Mareykanka ayaa Soomaaliya ku dartay liiska dalalka dakadahoda laga qabo walaaca amniga, iyagoo sheegay in dalka uusan si wax-ku-ool ah u hirgelin tallaabooyinka looga hortago khataraha argagixisada ee ka jira dekedaha.
Go’aankan ayaa keenaya in maraakiibta booqata dekedaha Soomaaliya ay wajihi karaan shuruudo amni oo dheeraad ah marka ay soo galayaan dekedaha Mareykanka.
Go’aanka ayaa lagu shaaciyay ogeysiis lagu daabacay Diiwaanka Federaalka Mareykanka 27-kii Oktoobar 2026.
Ilaalada Xeebaha Mareykanka ayaa sheegtay in Soomaaliya aysan buuxin heerarka amniga dekedaha ee looga baahan yahay ka hortagga argagixisada, taas oo sababtay in lagu daro liiska digniinaha amniga dekedaha.
Soomaaliya ayaa noqotay dalka 24-aad ee lagu daro liiskan.
Shuruudaha cusub ma khuseeyaan keliya maraakiibta si toos ah uga soo safarta Soomaaliya kuna wajahan Mareykanka.
Waxay sidoo kale khuseeyaan maraakiibta soo galaya dekedaha Mareykanka haddii mid ka mid ah shantii dekedood ee ugu dambeysay ee ay booqdeen ay ahayd deked ku taalla Soomaaliya
Tani waxay ka dhigan tahay in maraakiibta caalamiga ah ee adeegsada dekedaha Soomaaliya ay la kulmi karaan shuruudo dheeraad ah marka ay safarkooda dambe ku tagaan Mareykanka, taas oo saameyn ku yeelan karta habraacyada amniga iyo diyaarinta safarradooda.
Shuruudaha dheeraadka ah waxaa ka mid noqon kara kordhinta kormeerka amniga, diiwaangelinta xogta amniga iyo in maamulka Mareykanka horay loogu sii gudbiyo xogta ku saabsan imaanshaha markabka.
Shuruudahan ayaa dhaqan galaya laga bilaabo 10-ka Nofeembar 2026.
Ogeysiiska Mareykanka ma uusan magacaabin dekedo gaar ah oo Soomaaliya ku yaalla, mana uusan faahfaahin cilladaha amni ee lagu ogaaday qiimeynta.
Sidoo kale, tallaabadani ma aha mamnuucid lagu soo rogay ganacsiga badda ee Soomaaliya, balse waa nidaam amni oo dheeraad ah oo lagu dabaqayo maraakiibta buuxiya shuruudaha lagu qeexay ogeysiiska.
Soomaaliya ayaa sidaas ugu biirtay 23 dal oo kale oo ku jira liiska digniinaha amniga dekedaha Mareykanka.
Saameynta ugu weyn ee go’aankan waxay noqon kartaa in maraakiibta adeegsata dekedaha Soomaaliya ay la kulmaan hubin iyo shuruudo amni oo dheeraad ah marka ay u safrayaan Mareykanka.
