Su’aashaas jawaabteeda la iskuma waafaqsana.
Haddii aad weydiiso muxaafidka iyo guddoonka, waxay ku andacoonayaan in waxa socda ay yihiin fadhiyo sharci ah oo looga doodayo cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka, si waafaqsan xeer-hoosaadka Baarlamaanka.
Laakiin haddii isla su’aashaas la weydiiyo mucaaradka, waxay ku doodaan in arrintu tahay damac siyaasadeed oo lagu doonayo muddo-kororsi iyo xoojin awood.
Is-qabqabsigan ayaa horseeday in saddexdii kulan ee u dambeeyay ee Baarlamaanka ay hareeyaan buuq, foori, iyo iska hor-imaadyo, taasoo sii muujisay qoto-dheeraanta khilaafka.
Ilaa hadda, 37 xildhibaan iyo 3 senatar ayaa laga joojiyay ka-qaybgalka fadhiyada wadajirka ah ee labada Aqal — go’aamo si toos ah ula xiriira buuq ka dhacay kulamadii u dambeeyay.
Sidoo kale, maalmahan waxaa xarunta Baarlamaanka la geeyay ciidamo booliis ah oo fadhiyada dhex jooga, arrintaas oo sii hurisay muranka siyaasadeed isla markaana muujisay heerka xiisadda ka taagan doodaha golaha.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa yiri:“Xaalad noocaas ah waxaa lagu tilmaami karaa police state; waa dawlad ku tiirsan awood ciidan, sharci iyo dastuur midna aan si buuxda ugu dhaqmin. Dunida inteeda kale, dawladaha noocan ah waxaa loo yaqaannaa police state.”
Marka la eego xaaladda hadda taagan, doodda ku saabsan dastuurka ayaa u muuqata mid ka gudubtay arrin farsamo oo sharci, una wareegtay loollan siyaasadeed oo saameyn ku leh jihada maamulka iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.
