Shirkii u dhexeeyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaan maanta furmin, welina waxaan lagu heshiin goobta uu ka dhici lahaa shirka; waxaa se jira warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu wado in uu u safro Itoobiya si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.
Golaha Mustaqbalka oo xalay Muqdisho ku shiray ayaa Madaxweynaha ugu baaqay in uu yimaado miiska wada-hadalka; iyaga oo carrabka ku adkeeyay in aysan tagi doonin illaa xal la gaaro.
“Waxaan u nimid inaan Soomaaliya xalkeeda gaarno —talo la wada leeyahay. Wixii aniga iyo saaxiibkay Xasan Sheekh aan hore uga wada shaqaynaynay, ayaan hadana ka wada shaqaynaynaa. Waan wada hadli doonnaa; nabad baan u nimid”. Ayuu yiri, Axmed Madoobe—Madaxweynaha Jubbaland.
Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa isna sheegay in imaatinkooda uu daran yahay dalka midnimadiisa iyo in aan la kala goynin.
“Waxaan u nimid dalka midnimadiisa, Xamarna inaa dalka laga kala goyn baan rabnaa inaan ka shaqeeyno, dalkan waa la wada leeyahay, midnimadiisana qof kasta masuuliyad baa ka saaran”. Ayuu yir, Saciid Cabdullahi Deni — Madaxweynaha Puntland
Madax hore ayaa iyagana dhinacooda sheegay in ay lagama maarmaan tahay in laga wada arrimaha masiiriga—oo ay ugu horreeyaan Dastuurka iyo doorashooyinka, si dalka looga samatabixiyo xaalaha cakiran ee ismarin waaga ah.
“Waad arkeyseen maalmihii lasoo dhaafay Cabdiraxman Cabdishakuur oo seddex saacadood barlamaanka taagan, asagoo askar iyo xildhibaanno kala celinaya. Waxay ka turjumeysaa meesha uu dalku joogo”. Ayuu yir, Xasan Cali Kheyre —Raa’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.
Arrimahaan, ayaa u muuqda kuwa sii adkeynaya qabsoomidda gogosha wada hadal ee u dhaxeysa dowladda iyo mucaaradka.
