Magaalada Baydhabo, waxaa qaybo kamid ah saaka ka dhacay rasaas iyo iska horimaadyo, iyadoo wararka hordhaca ah ay tilmaamayaan in ciidamo taageersan Cabdicasiis Laftagareen ay weerar ku qaadeen magaalada.
Waxaa joogsaday, isu socodka gaadiidka dadweynaha, halkla, la soo warinaayo in korontadii magaalada ay qeyb ahaan go’an tahay. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo Baydhabo, haseyeeshee; faahfaahinta buuxda ee weerarka iyo khasaaraha ka dhashay weli si madax-bannaan looma xaqiijin karo.
Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Baydhabo ay muddooyinkii lasoo dhaafay ahayd meel ay ka taagnaayeen xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni, gaar ahaan tan iyo markii dowladda federaalku ay magaalada la wareegtay, kadib bixitaankii maamulkii uu hoggaaminayay Laftagareen.
Afhayeenka ciidamada taabacsan Lafta-gareen Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo muuqaal soo duubay ayaa sheegay in ay weerareen fariisimaha ciidamada, welina uu socdo howlgalka ay ku qaadeen magaalada Baydhabo.
Maamulka Cusub ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in guud ahaaan lasoo afjaray Weerarkii saaka ay Baydhabo ku soo qaadeen Ciidamdii taabacsanaa Laftgereen; iyagoo sheegay in ay soo bandhigi doonaan xogta weerarkaas.
