Dhibaatada maanta ka taagan suuqyada shidaalka Soomaaliya kuma eka qiimaha oo kacay.
Waxaa kale oo jira soo kordhay in shidaalka jaalaha ah oo ay darawalladu doorbidaan uu yaraaday.
Shidaalkii jaalaha ahaa, oo ay si weyn u isticmaalaan gaadiidleyda iyo bajaajleyda, ayaa meela badan laga dareemayaa yaraantiisa. Haddaba, xaggee ayuu shidaalkii jaalaha ahaa aaday? Maxaase soo galay booskiisii?
Soomaaliya, oo shidaalkeeda dibadda ka keenta, waxay si degdeg ah u dareenta isbeddel kasta oo ku yimaada sahayda iyo qiimaha caalamiga ah. Laakiin suuqa gudaha, dareenka ugu weyn ee dadka qaar hadda qaba waa helitaanka nooca shidaalka ay caadi ahaan isticmaalaan.
Meelo badan, darawalladu waxay sheegayaan in shidaalkii jaalaha ahaa uu ka go’ay
Halkaas oo beddelkkeda kusoo badanaya nooc kale oo darawalada u yaqaanaan shidaalka guduudka ah.
Hadaba, labadan noocl ma isku mid yihiin? Midkee ayay darawalladu doorbidaan? iyo tan ka sii muhiimsan: Ma yaraanta shidaalka ayaa sababtay in suuqa lagu beddelo nooc kale? Isbeddelka noocyada shidaalka ee suuqa yaalla ayaa walaac ku abuuray qaar ka mid ah dadka isticmaala gaadiidka.
