Calanka Soomaaliya ayaa hoos loo dhigay muddo saddex maalmood ah. Laakiin maxay ka dhigan tahay marka dal uu calankiisa hoos u dhigo?
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday baroordiiq, kaddib geerida Aabbaha amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Xamad bin Khaliifa al Thaani. Inta lagu jiro muddadaas, calanka qaranka waxaa lagu hayaa bartii nuska ahayd, si loo muujiyo murugo iyo ixtiraam loo hayo marxuumka.
Hoos u dhigista calanka waa hab-raac diblomaasiyadeed oo caalami ah. Dowladuhu waxay adeegsadaan marka ay geeriyoodaan madax ama hoggaamiyeyaal muhiim ah, ama marka ay dhacaan masiibooyin waaweyn oo qaran. Waxay astaan u tahay murugo, tixgelin iyo garab istaag.
Xaaladdan, Soomaaliya kuma eka oo keliya. Dalal ay ka mid yihiin Qatar, Lubnaan, Falastiin, Isutagga Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Hindiya iyo Pakistan ayaa iyaguna hoos u dhigay calamadooda, si ay u maamuusaan Amiirkii geeriyooday.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa isna tacsi u diray dowladda iyo shacabka Qatar. Wareysi uu siiyay Al Jazeera ayuu Sheekh Xamad ku tilmaamay saaxiib dhow oo Soomaaliya isagoo xusay kaalintii uu ku lahaa horumarka Qatar iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar.
Marka aad aragto calan hoos loo dhigay, ogow inaysan ahayn arrin caadi ah. Waa astaan rasmi ah oo muujinaysa baroordiiq, ixtiraam iyo is-garab istaag u dhexeeya dowladaha.
