Maxkamadda Sare ee dalka ayaa caddeysay in aysan jirin wax natiijo doorasho ah oo soo gaaray oo la xiriirta doorashadii ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Ka hor, warsaxaafadeedka maxkamadda sare, Guddiga Doorashooyinka ayaa ka soo baxay war ay ku sheegayaan in ay “Maxkamadda sare ay ka sugayaan go’aanka ansixinta natiijooyinka doorashada Koonfur galbeed”.
10-kii May, waxaa deegannada Koonfur Galbeed ka dhacday doorasho ku dhacday nidaamka “qof iyo cod”, taas oo laga qabtay 11-kamid ah degmooyinka ka tirsan Gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha hoose.
11-kii, guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in ay si nabad ah ugu soo dhammatay hawlaha doorashada – haddii ay noqon lahayd agabka iyo xogta dadka codeeyay.
Guddiga doorashada ayaa 13-ka May ku dhawaaqay najiida ay ka heleen ururada ku tartamay doorashooyinka isku sidkan ee ka dhacay deegannada Maamulka Koonfur Galbeed.
Waxaa jiro tuhunno, sheegaya in natiijadaas aysan ahayn mid ay soo dhaweyn karaan dhammaan ururadii tartamay; iyada oo ay jiraan ururro ka biyo diidsan natiijadii ka soo baxday doorashada.
Haddaba, maxaa keenay iswaafaqsanaan la’aanta Maxkamadda sare iyo Guddiga doorashooyinka? Mase sii xoojineysaa kalsooni la’aantii lagu qabay guddiga doorasha?
