Madasha Mustaqbalka ayaa ku jirta diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee bannaanbaxa 4ta Juun, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda ay sii kordhaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Muqdisho.
Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed, ayaa degay gurigii Madxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed ee ku dhow Isgoyska Mirinaayo.
Gurigaas ayaa la filayaa inuu noqdo xarunta kulamada hoggaanka mucaaradka inta lagu guda jiro abaabulka bannaanbaxa 4-ta Juun ee ku beegan Khamiista.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa lagu soo warramayaa inuu saldhig ka dhigtay degmada Howlwadaag.
Madaxda mucaaradka ayaa la filayaa inay maanta yeeshaan kulamo looga arrinsanayo qaabka uu u dhici doono bannaanbaxa iyo sida looga gudbi lahaa haddii ay dhacaan xannibaado ama waddooyinka oo la xiro.
Mucaaradka ayaa ku adkeysanayaa inaysan dib uga laaban doonin bannaanbaxa, halka dowladda Federaalka ay hore u sheegtay in dibadbaxyada lagu qabto goobo cayiman oo ay hay’adaha amnigu oggolaadaan.
Tani ma aha markii ugu horreysay ee mucaaradku ku baaqaan bannaanbaxyo, iyadoo qaar kamid ah isu-soo-baxyadii hore aysan u qabsoomin sidii loo qorsheeyay. Si kastaba, markan waxaa muuqda abaabul iyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.
