Mucaaradka dowladda ayaa eedeymo u jeediyay taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi iyagoo sheegay inuu door muuqda ku leeyahay xarigga dhalinyaro cabbirayeen aragtidooda siyaasadeed.
“Booliska gobolka Banaadir oo uu hoggaamiy Macallin Mahdi ee dhalinarada soo xir-xiraayo waxaan leeyahay ka jooga,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.
Waxay intaas ku dareen inay diyaarinayaan liis saraakiil ah oo ay ku eedeeyeen ku xadgudubka dhalinyarada Soomaaliyeed, si ay dadka iyo dunidaba ula wadaagaan magacyadooda.
“Golaha Mustaqbalka Soomaliyeed waxay go’aansadeen shaqana ka wadaan inaan sameyno liis dhammaystiran oo dadka Soomaaliyeed iyo dunidaba lala wadaagi doono saraakiisha dhalinyarada Soomaaliyeed beegsata,”ayuu mar kale yiri Xasan Cali Khayre.
20+ dhalinyaro ah ayaa la xiray
Eedeymahan ayaa imaanaya kadib markii toddobaadyadii lasoo dhaafay dowladda ay xirtay in ka badan 20 dhalinyaro ah, kuwaas oo qaarkood lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen bannaanbaxyo iyo hadallo ay ku cabbirayeen aragtidooda siyaasadeed.
Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in dhalinyaradaasi ay si nabad ah u cabbirayeen dareenkooda.
Xabsiga Dhexe • Yaaqshiid • Hodan
Mucaaradka ayaa sheegay in qaar kamid ah dhalinyaradaasi lagu kala hayo Xabsiga Dhexe, saldhigga degmada Yaaqshiid iyo kan degmada Hodan.
“Dhallinyaro lagu eedeeyay inay si nabad ah u cabbireen dareenkooda, meelaha lagu hayo waxaa ka mid ah Xabsiga Dhexe, saldhigga Yaaqshiid iyo kan degmada Hodan,” — Abdirahman Abdishakur Warsame
Mucaaradka ayaa ciidamada ku eedeeyay in loo adeegsanayo dano siyaasadeed iyo cabburinta shacabka.
Waxay ciidamada ugu baaqeen inay ilaaliyaan waajibaadkooda qaran iyo dhexdhexaadnimada hay’adaha amniga.
Ciidankii la rabay inay amni sugaan ma sugaanee waxay ka shaqeeyaan in dadka lagu caburiyo, gaar ahaan siyaasiyiinta,” ayuu yiri Shariif.
‘Xasan Sheekh waa madaxweyne hore’ — Mucaaradka
Maalmihii lasoo dhaafay, mucaaradku ayaa ku doodayay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muddo xileedkisu dhamaaday, islamarkaana uu yahay “madaxweyne hore,”
Doorasho • Dastuur • Khilaaf Siyaasadeed
Waxaa taaggan xaalad siyaasadeed oo cakiran, iyadoo muranka doorashooyinka, wax ka beddelka dastuurka, iyo khilaafaadka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka ay sii kordhinayaan walaaca laga qabo jihada siyaasadeed ee dalka.
