Dhallinyaro ay xirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay noqday arrin si weyn looga hadlay, iyadoo mucaaradkuna si adag u cambaareeyay xariggooda.
Dhallinyaradan ayaa kala ah Sacdiyo Macallin Cali, Najiib Cali Cosoble, iyo Sharmaarke Maxamuud Axmed.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka—gaar ahaan Madaxweynaha iyo hay’adaha garsoorka—in si degdeg ah loo sii daayo dhallinyarada xiran, isaga oo tilmaamay in xariggoodu u muuqdo mid la xiriira aragti.
Sacdiyo Macallin Cali oo si gaar ah loo hadal haya, ayaa ah gabar ku shaqeysa mooto bajaaj. Hore waxaa loogu xasuustaa doorkeedii firfircoonaa ee ku aaddanaa cabashada sare u kaca qiimaha shidaalka, xilli uu saameyn ku yeeshay dagaalka Bariga Dhexe.
Mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda in xarigga dhallinyaradan uu yahay mid la xiriira aragtiyadooda iyo hadallo ay jeediyeen.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa xarigga Sacdiyo ku tilmaamay “awood sheegasho u eg afduub”, isaga oo sheegay in aan jirin dacwad cad ama maxkamad la horkeenay.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in haddii ay jiraan wax eed ah, loo baahan yahay in si sharci ah loo maro, halkii xarig toos ah lagu qaadi lahaa.
Sacdiyo Macallin Cali ayaa horey loo xiray arrimo la xiriiray hadallo ay warbaahinta ka jeedisay- sida ay ayada ku andacootay, waxaana la sheegayaa in xariggan labaad uu sidoo kale la xiriiro aragtideeda.
Xarigyada noocan ah, ma waxay la xiriiraan ra’yi iyo aragtiyo siyaasadeed, ma yihiin kuwa saameynaya xorriyadda hadalka ee dhallinyarada?
