Golaha Mustaqbalka ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo shaaciyay waqtiga iyo goobaha laga qabanayo bannaanbaxa ay ku baaqeen maalinta berri.
Golaha ayaa sheegay in bannaanbaxu bilaaban doono 7:00-da subaxnimo, kana qabsoomi doono degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.
“Hiil Shacab”
Bannaanbaxa 10-ka May.
Bannaanbaxa oo ay ugu magac dareen “Hiil Shacab” ayay sheegeen inuu yahay mid looga soo horjeedo waxa ay ku tilmaameen “cadaalad-darro iyo dulmi” lagu hayo shacabka Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiinta Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in ujeeddada bannaanbaxu yahay in cod loo noqdo shacabka barakacay ee ku sugan bannaannada magaalada Muqdisho, kuwaas oo wajahaya xaalado adag.
Dowladda oo wadday howlgallo lagu banneynayo dhulal ku yaalla Muqdisho
Muddooyinkii dambe, dowladda ayaa wadday howlgallo lagu banneynayo dhulal ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo dadka deggenaa laga rarayay goobahaasi. Arrintaas ayaa dhalisay falcelin siyaasadeed iyo dareen ay muujiyeen qeybaha mucaaradka iyo qaar kamid ah bulshada.
Golaha Mustaqbalka ayaa hore u sheegay in bannaanbaxu u dhici doono sidii loo qorsheeyay, islamarkaana lagu muujin doono mowqifkooda ku aaddan xaaladda dadka barakacay, arrimaha siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka dalka — sida uu sheegay Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre.
“Banaanbixii aan iclaaminay waxba iskama bedelin. Waa inoo 10ka bisha iyo maalinta axadda ah.” ayuu yiri Xasan Cali Khayre – Ra’iisul Wasaarihii hore
Siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada ayaa ku baaqaya in la ilaaliyo xasilloonida magaalada, lana dhowro xorriyadda aragtida iyo isu imaatinka shacabka.
