Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen bannaanbax saaka ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa xaqiijiyay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca, xilli ay weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay bannaanbaxyada iyo tallaabooyinka amni ee dowladda qaaday.
Magaalada Muqdisho ayaa saaka laga dareemayaa xiisad siyaasadeed iyo bannaanbaxyo ay hore ugu baaqeen siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka.
Bannaanbaxyadan oo loogu magac daray “Hiil Shacab” ayaa maanta ku beegan maalintii loo asteeyay inay qabsoomaan.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday abaabul iyo isku-duwid xooggan oo ay wadeen mucaaradka, kuwaas oo sheegay in bannaanbaxyadu ay yihiin kuwo looga soo horjeedo waxa ay ku tilmaameen dulmi, barakicin iyo cadaalad-darro lagu hayo shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay shaacisay in Garoonka Koonis uu yahay goobta kaliya ee loo oggol yahay in lagu qabto dibadbaxyo dadweyne, iyadoo la adkeeyay tallaabooyinka amniga ee magaalada Muqdisho.
Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada dowladda la dhigay hareeraha guryaha qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, si loo xaddido dhaq-dhaqaaqooda loogana hortago inay hoggaamiyaan bannaanbaxyada.
Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa weli kacsan, iyadoo si weyn isha loogu hayo sida ay u socdaan bannaanbaxyada iyo saameynta ay ku yeelan karaan xaaladda siyaasadeed iyo amniga caasimadda.
