Muqdisho waxay saaka ku waabariatay xaalad aad u kacsan, kadib habeen ay magaalada qaybo kamid ah ka dhaceen rasaas culus iyo iska hor imaadyo u dhexeeyay ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamo ilaalo u ahaa madaxda mucaaradka.
Inkasta oo saaka waddooyinka waaweyn ay furan yihiin, haddana magaalada waxaa weli si weyn looga dareemayaa xiisad siyaasadeed iyo mid amni.
Odayaal iyo siyaasiyiin oo wada dadaallo dejin ah
Wararka la helayo ayaa sheegaya in odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ay xalay ilaa saaka wadeen dadaallo lagu dejinayo xaaladda, iyadoo ay jirto rajo la xiriirta xabbad-joojin iyo in xaaladdu aysan isu beddelin iska hor imaad ballaaran.
Deyniile: Abaabul bannaanbax ayaa socda
Qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho, gaar ahaan Deyniile, waxaa weli ka socda abaabul iyo isku dubbarid la xiriira bannaanbaxyada mucaaradka ay qorsheeyeen.
Xalay: Rasaas culus iyo iska hor imaadyo
Rasaasta culus ee xalay laga maqlayay bartamaha Muqdisho ayaa timid xilli mucaaradku ay diyaarinayeen bannaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda Federaalka.
Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda ku eedeeyay inay weerar ku qaaday hoygooda iyo goobihii ay kulamada ku lahaayeen Muqdisho.
Shariif iyo Kheyre oo Xasan Sheekh eedeeyay
Qoraal uu soo saaray Xasan Cali Kheyre ayuu ku sheegay in ciidamada uu ku eedeeyay inay ka amar qaataan “madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday” ay weerar kusoo qaadeen isaga iyo odayaal dhaqameed uu la shirayay.
Kheyre wuxuu sheegay in kulankaasi uu qeyb ka ahaa diyaar-garow loogu jiray bannaanbax nabadeed oo lagu waday inuu maanta ka dhaco Muqdisho.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay rabshadaha iyo weerarradii dhacay xalay.
Xiisaddan siyaasadeed ayaa sii xoogeysanaysay tan iyo markii dowladda Federaalka ay ku dhawaaqday muddo-kordhin hal sano ah, kadib dhammaadka muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh 15-kii May.
Mucaaradka iyo qaar kamid ah madaxda dowlad-goboleedyada ayaa si adag uga horyimid muddo-kordhintaasi, iyagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah.
Inkasta oo xaaladdu saaka ka deggen tahay sidii xalay, haddana weli waxaa jira walaac xooggan oo laga qabo sida ay xaaladdu isu beddeli karto saacadaha iyo maalmaha soo socda, gaar ahaan iyadoo mucaaradku ay wali ku adkeysanayaan bannaanbaxyada ay iclaamiyeen.
