November 15, 2026

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa saxiixay wareegto uu ku magacaabay Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud inuu noqdo Safiirka Somaliland u fadhiya Israel.

Israel ayaa aqbashay magacaabistan, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ay shaacisay in safiirka la siiyay oggolaanshihii diblomaasiyadeed, isla markaana xaruntiisu noqon doonto magaalada Tel Aviv.

Magacaabistan ayaa timid kaddib wada-hadal taleefan oo dhacay 26-kii Diseembar 2025, kaas oo dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu. Wicitaankaasi ayaa lagu sheegay in Israel ay aqoonsi siisay Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar, ayaa 12 maalin ka dib wicitaankii Cirro iyo Netanyahu booqasho ku tagay Somaliland, taas oo ay ku sheegeen mid sii xoojisay xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dhinac.

Dhanka kale, warar soo baxaya oo aan rasmi ahayn ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Somaliland la filayo inuu booqasho ku tago Israel dhammaadka bisha Maarso, taas oo haddii ay hirgasho noqon doonta booqashadii ugu horreysay ee nooceeda ah ee Madaxweyne Somaliland ah ku tago Israel.

Leave A Reply

Exit mobile version