Xiisadda u dhaxeysa Pakistan iyo dowladda Taliban ee Afghanistan ayaa si rasmi ah u gashay marxalad dagaal, kaddib markii Islamabad ay duqeymo cirka ah ka fulisay caasimadda Kabul iyo magaalooyin kale oo AfghanistanWasiirka Gaashaandhigga Pakistan, Khawaja Asif, ayaa sheegay in “dulqaadkii Pakistan uu dhammaaday”, isla markaana hadda la galay “open war” ama dagaal toos ah oo u dhexeeya labada dhinac. Dowladda Pakistan ayaa hawlgalkaasi ugu magac dartay “Operation Ghazab lil Haq”, oo micnaheedu yahay “caro xaq ah”.Dhanka kale, afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa ku dhawaaqay in Afghanistan ay billowday “howlgallo ballaaran oo weerar ah” oo ka dhan ah ciidamada Pakistan ee ku sugan xadka labada dal.Maxaa sababay dagaalka?Iskahorimaadyadu waxay si gaar ah uga socdaan xariiqda loo yaqaan Durand Line, oo ah xadka kala qaybiya labada dal. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Afghanistan ay weerareen fariisimo militari oo Pakistan ku leedahay meel u dhow xadka, taasoo keentay in Pakistan ay duqeymo cirka ah ku qaaddo bartilmaameedyo gudaha Afghanistan ah, oo ay ku jirto Kabul.Weerarkii ugu horreeyay ayaa la sheegay inuu dhacay abaaro 1:50 habeenimo waqtiga maxalliga ah, iyadoo ciidamada Afghanistan ay ku jawaabeen rasaas lidka diyaaradaha ah.Labada dhinac ayaa sheeganaya in tobanaan qof ay ku dhinteen dagaalladii toddobaadyadii u dambeeyay ka socday xadka. Xiisaddan ayaa sii xoogeysatay tan iyo markii Taliban ay dib ula wareegeen talada Afghanistan sannadkii 2021.Khilaafka u dhexeeya Islamabad iyo Kabul ayaa la xiriira eedeymo ku saabsan kooxo hubeysan oo ka gudba xadka, iyo muran taariikhi ah oo ku saabsan aqoonsiga xariiqda Durand Line.Xaaladda ayaa hadda u muuqata mid ka gudubtay iska horimaad xuduudeed oo xaddidan, kuna sii jeedda dagaal ballaaran oo si toos ah u dhex mara labada dowladood.
Previous ArticleSomaliland oo Safiir u Magacawday Israel
Next Article Wareysiga Huckabee iyo Saameynta Siyaasadeed
