Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed cusub oo sii kordhiyay xiisadda kala dhexeysa Dowladda Federaalka. Laakiin hal qodob ayaa si gaar ah loogu xusay. Puntland waxay sheegtay in PSF aysan sharci ahaan ka tirsanayn ciidamadeeda difaaca.
Haddaba.. maxay yihiin PSF? Maxaase is beddelay?
25-kii Luulyo, Puntland waxay si toos ah ugu eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu hagayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku tilmaamtay kuwo lagu gelinayo Puntland xasilooni-darro.
Waxay sidoo kale sheegtay inaysan oggolaan doonin ciidamo ka diiwaangashan Dowladda Federaalka inay ka hawlgalaan deegaannada ay maamusho.
Puntland waxay kaloo digniin u dirtay Galmudug, iyadoo ka codsatay inaan garoomadeeda iyo dhulkeeda loo adeegsan daabulista ciidan, hub ama maleeshiyaad ay sheegtay in loo wado Puntland. PSF, ama Puntland Security Force, waa ciidan la aas-aasay sannadkii 2002. Doorkooda ugu weyn wuxuu ahaa la-dagaallanka argagixisada, waxaana muddo dheer taageero ka helayay Maraykanka.
Laakiin sannadihii u dambeeyay, PSF waxay ahaayeen xuddunta khilaafyo siyaasadeed iyo kuwo sharci oo ku saabsan cidda maamusha ciidankaas iyo halka ay kaga jiraan hay’adaha amniga Puntland. Hadda, Puntland waxay si cad u sheegtay in PSF aysan sharci ahaan qayb uga ahayn ciidamada difaaca ee Puntland.
Maxay tani uga dhigan tahay khilaafka?
War-saxaafadeedka ayaa muujinaya in khilaafku uusan hadda ku koobnayn Bosaso ama Gaalkacyo. Puntland waxay si toos ah mas’uuliyadda ugu eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh. Waxayna sidoo kale si cad u diidday joogitaanka ciidamo federaal ah gudaha deegaannada ay maamusho.
Taasoo ka dhigan in khilaafku galay marxalad siyaasadeed iyo amni oo aad uga culus tii hore, iyo in xiisadda u dhexeysa Puntland iyo dowladda federaalka isu badalay wejigii ugu xasaasisanaa muddooyinkii u dambeeyay.
