“Ma gelin dambiga.”Waa jawaabta ay Sacdiya Bajaaj siisay Maxkamadda Gobolka Banaadir, markii la weydiiyay inay qiratay eedeymaha loo haysto.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Talaadadii soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda loo haysto Sacdiya Bajaaj, oo lagu eedeeyay falal la xiriira kicin dadweyne.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Dabaan, ayaa ku dhawaaqay in dhammaan dhageysiyada dacwadda la soo xiray, isagoo sheegay in dib laga soo sheegi doono waqtiga rasmiga ah ee lagu dhawaaqayo xukunka kiiska.
3 Saacadood oo Doodo Ah
Xeer-ilaalin, Eedeysane iyo Difaac
Dhageysiga dacwadda oo qaatay ku dhowaad saddex saacadood, ayaa maxkamaddu ku dhegeysatay doodaha Xeer-ilaalinta, wareysiga eedeysanaha iyo qareennada difaaca.
Qareennada u doodaya Sacdiya Bajaaj ayaa ku dooday inaysan jirin caddeymo ama marqaatiyo taageeraya eedeymaha loo jeediyay.
“Majiro wax caddeymo ah ama marqaati ah oo loo hayo eedeymaha Sacdiya Bajaaj.”Abuukaate Xalane oo ah Qareenka Difaaca
Ramlo Nageeye Ibraahim, oo kamid ah kooxda difaaca, ayaa sheegtay in arrinta lagu eedeeyay Sacdiya ay ka weyn tahay in iyada kaligeed mas’uuliyaddeeda loo saaro.
Dhawaan ayay maxkamaddu dib ugu celisay dacwadda Xeer-ilaalinta, iyadoo ka dalbatay inay dhamaystirto ama xoojiso qodobbada iyo caddeymaha la xiriira kiiska.
74 Maalmood oo Xabsi Ah
Sacdiya Bajaaj ayaa in ka badan 74 maalmood ku jirtay xabsi, iyadoo hadda la soo afjaray dhammaan dhageysiyadii dacwadda loo haystay.
