Soomaaliya iyo Pakistan, waxay qaadayaan tallaabo cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca difaaca. Laakiin; iskaashigani ma ku ekaan doonaa tababar iyo is-afgarad, Mise wuxuu albaab u furayaa awood ciidan oo cusub?
4-tii Agoosto 2026, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Pakistan, Khawaja Maxamed Aasif, ayaa magaalada Islamabad ku kala saxiixday is-afgarad cusub.
Heshiiska ayaa diiradda saaraya la-dagaallanka argagixisada, tababarka ciidamada, is-weydaarsiga khibradaha milatari iyo dhismaha awoodda hay’adaha difaaca. Laakiin; Qodobka hadal haynta ugu badan dhaliyay ma ahayn is-afgaradka laftiisa. Wuxuu ahaa wararka la xiriira in Soomaaliya mar kale kala hadashay Pakistan diyaaradaha dagaalka.
Bishii febraayo sanadkan waxaa soo baxay warar sheegaya in Soomaaliya ay Pakistan kala hadashay suurtagalnimada helitaanka ilaa 24 diyaaradood oo nooca JF-17 Thunder Block III ah.
Heshiiskaas ayaa lagu qiyaasayaa ku dhowaad 900 milyan oo doollar. Hase yeeshee, ma jiro heshiis rasmi ah oo ay labada dowladood ku shaaciyeen arrinta diyaaradaha, mana jiraan faahfaahin rasmi ah oo xaqiijinaysa in wax iibsi ah la soo gabagabeeyay.
Haddii uu hirgalo, wuxuu noqon karaa isbeddel weyn oo ku yimaada awoodda cirka ee Soomaaliya, oo aan muddo ka badan soddon sano helin diyaarado dagaal oo casri ah.
Haddaba: Maxay yihiin danaha labada dal iska doonayaan?
Falanqeeyayaal ayaa aaminsan in Pakistan ay danaynayso muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan marin-biyoodka Badweynta Hindiya iyo Bab al-Mandab.
Dhanka Soomaaliya, iskaashigan wuxuu furi karaa fursado cusub oo dhinaca tababarka ciidamada, qalabka milatariga iyo dhismaha awoodda difaaca.
