Markabka qodista shidaalka ee Cagri Bey ee Türkiye ayaa ka soo ambabaxay dekedda Mersin, isagoo ku soo wajahan xeebaha Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muujinaysa in sahminta shidaalka dalku gashay marxalad cusub.
Isla toddobaadkan, maraakiib ay wataan ciidamada badda Turkiga — TCG Gökova, TCG Bafra iyo TCG Sancaktar — ayaa gaaray Muqdisho si ay u sugaan amniga hawlgallada qodista ee la filayo inay ka bilaabmaan badda Soomaaliya.
Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa inay leedahay kayd ka badan 40 bilyan oo barmiil oo shidaal ah. Si loo xaqiijiyo xogta dhulka hoostiisa, sahanka seismic-ka ayaa billowday horraantii 2025, wuxuuna dhammaaday bartamihii Juun.
Markabka Cagri Bey wuxuu daba socdaa markabkii sahminta ee Oruç Reis, kaas oo sagaal bilood baaritaan ka waday dhul-badeed dhan 4,465 kiiloomitir oo laba jibbaaran. Sahankan waxaa looga gol lahaa in la fahmo qaab-dhismeedka dhulka hoostiisa — xog muhiim u ah go’aaminta halka qodista laga bilaabi karo.
Madaxweynaha Türkiye Recep Tayyip Erdoğan ayaa hawlgalkan u rajeeyay guul, isagoo sheegay inuu ka filayo warar wanaagsan. Dowladda Türkiye waxay sidoo kale sheegtay in 2026 ay suuragal tahay in si rasmi ah loo bilaabo qodista, haddii natiijooyinka sahanku noqdaan kuwo dhiirrigelin leh.
Laakiin sahminta shidaalka Soomaaliya ma ahan arrin cusub. Waxay dib ugu noqotaa 1956, markaas oo ceelal shidaal laga sahmiyay koonfurta dalka. Intii u dhaxeysay 1956-ilaa 1990, shirkado caalami ah ayaa sameeyay sahanno, balse hawshu way istaagtay kadib burburkii dowladnimada.
2012 sahminta ayaa dib loo bilaabay. Heshiiskii Baydhabo ee 2018 ayaa dejiyay qaabka qaybsiga dakhliga shidaalka, halka 2020-na la ansixiyay Sharciga Batroolka. 2024, Soomaaliya waxay si rasmi ah uga howlgashay sahanka badda kadib heshiis ay lala dalka Turkiga, iyadoo sahanka 3D seismic laga fuliyay dhul-badeed u dhexeeya Mareeg iyo Hobyo.
Imaatinka markabka qodista iyo joogitaanka maraakiibta amniga waxay muujinayaan in mashruucu galay heer cusub — mid laga yaabo inuu horseedo tijaabooyinka qodista ee ugu horreeya.
Haddii natiijooyinka sahanku noqdaan kuwo rajo leh, tani waxay noqon kartaa tallaabo muhiim u ah mustaqbalka tamarta iyo dhaqaalaha Soomaaliya.
