Tahriibka dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa weli sii kordhaya, iyadoo boqolaal qof dib loogu soo celinayo dalka, kaddib safarro halis badan oo ay ku mareen waddamo badan, gaar ahaan Liibiya.
Sida ay muujinayaan xogaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), ugu yaraan 578 qof ayaa Soomaaliya dib loogu soo celiyay tan iyo bish Jannaayo ee Billowga sanadkan.
Dadkan la soo celiyay waxay isugu jiraan dhallinyaro, carruur, haween iyo qoysas dhan, kuwaas oo intooda badan ay ka muuqdaan dhibaatooyinkii ay kala kulmeen jidka tahriibka iyo xabsiyada Liibiya.
Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa sheegtay in dadkaas laga soo badbaadiyay tahriib sharci-darro ah iyo xaalado bani’aadannimo oo adag. Laakiin, maxaa weli ku riixaya dhallinyarada Soomaaliyeed inay naftooda halis ku geliyaan safarradaan?
Daraasado kala duwan ayaa sababaha ugu waaweyn ku tilmaamay shaqo la’aanta, duruufaha dhaqaale, tayada waxbarashada, saameynta baraha bulshada iyo saaxiibbada, iyo shabakadaha tahriibinta oo weli si firfircoon u shaqeeya.
Magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa ah meelaha ugu badan ee ay dhalinyaradu uga baxaan tahriibka, iyadoo rajada nolol ka wanaagsan ay ka xoog badan tahay halista safarka.
Hase yeeshee, qaar badan oo ka mid ah waxay ku dhammaadaan xabsiyo, tacaddiyo, jirdil iyo xaalado caafimaad oo halis ah ka hor inta aan dib loogu soo celin Soomaaliya.
Inkasta oo dowladda ay sii waddo dadaallada lagu soo celinayo muwaadiniinta ku xayiran dibadda, haddana waxaa weli taagan dood ku saabsan xalalka waara ee wax looga qabanayo sababaha keenaya tahriibka.
Ma ku filan tahay in dadka dib loo soo celiyo, mise waxaa loo baahan yahay fursado shaqo, waxbarasho iyo siyaasad dhalinyarada ka hor istaagta inay qaataan jidka halista ah?
