Madaxweynihii hore ee Chile, Michelle Bachelet, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaadatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo qayb ka ah ololaheeda ay ugu tartamayso xilka Xoghayaha Guud ee xiga ee Qaramada Midoobay.
Booqashada Bachelet ayaa ku soo beegantay xilli musharraxiintu ay u tartamayaan xilka ugu sarreeya ee hay’adda Qaramada Midoobay.
Golaha Ammaanka ayaa la filayaa inuu soo xulo musharraxa la magacaabayo, ka hor inta aan Golaha Guud uu ansixin magacaabista kama dambaysta ah. Soomaaliya, oo hadda xubin aan joogto ahayn ka ah Golaha Ammaanka, ayaa door ku leh geeddi-socodka xulashada.Wararka ayaa sheegaya in kulanka ka dhacay Villa Soomaaliya uu diiradda saaray musharraxnimada Michelle Bachelet iyo dadaalladeeda ay ku doonayso taageerada xubnaha Golaha Ammaanka.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah uma shaacin inay taageerayso musharraxnimadeeda.
Booqashadan ayaa muujinaysa muhiimadda sii kordheysa ee kursiga Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, iyadoo musharraxiinta xilka Xoghayaha Guud ay raadinayaan taageerada dalalka xubnaha ka ah ka hor go’aanka kama dambaysta ah.
