Dadaallo diblomaasiyadeed oo cusub ayaa mar kale dib u billowday, iyadoo la doonayo in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka dib la isugu keeno miiska wada-hadalka.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in beesha caalamka, oo Turkigu hormuud ka yahay, ay farriimo u dirtay Madaxtooyada iyo Golaha Mustaqbalka, si loo fuliyo wada-hadallo la filayo inay qabsoomaan toddobaadyada ugu horreeya bisha Luulyo.
Ujeeddada ugu weyn ee wada-hadalladan ayaa ah in xal siyaasadeed looga gaaro ismari-waaga taagan, gaar ahaan khilaafka la xiriira hannaanka doorashooyinka, wax ka beddelka dastuurka iyo kalsooni darrada u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dhinacyada dhexdhexaadinaya ay dadaal ugu jiraan sidii labada dhinac loogu qancin lahaa inay miiska wada-hadalka yimaadaan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin waqtiga iyo goobta kulamadu ka dhici doonaan.
Waxaa isa soo taraya warar sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu qayb ka noqon doono wada-hadalladan.
Inkastoo Farmaajo si rasmi ah uga tirsanayn Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, haddana waxaa la sheegayaa inuu ka mid noqon doono siyaasiyiinta lagu casuumayo wadatashiyada.
Haddaba, iyadoo Turkiga iyo beesha caalamku ay mar kale isku dayayaan inay isu soo dhaweeyaan dhinacyada siyaasadda, waxaa la isweeydiinaya, dowladda iyo mucaaradku ma gaari karaan heshiis siyaasadeed oo dalka u horseeda xasillooni iyo doorasho la isku raacsan yahay?
