Turkiga ayaa laba markab dagaal oo ka tirsan ciidamadiisa badda u soo diraya Soomaaliya, iyagoo sida qalab iyo sahay milatari, sida ay shaacisay Wasaaradda Difaaca Turkiga. Tallaabadan ayaa imanaysa xilli ay sii xoogeysanayaan iskaashiga difaac iyo xiriirka milatari ee u dhexeeya Turki iyo Soomaliya
Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sheegtay in maraakiibta dagaalka ee TCG Gökçeada iyo TCG Yıldırım ay Soomaaliya u soo safri doonaan 30-ka Oktoobar, iyagoo sida qalab iyo sahay milatari.
Wasaaraddu faahfaahin kama bixin nooca qalabka ay maraakiibtu sidaan, mana sheegin cidda loogu talagalay. Sidaas darteed, weli ma cadda in sahaydu ku wajahan tahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo in kale, ama inay la xiriirto baahiyaha ciidamada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya.
Ku dhawaaqista maraakiibtan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay labada dal sii xoojinayaan xiriirkooda difaac iyo iskaashiga dhanka tababarka iyo amniga.
Maalmo ka hor, saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada labada dal ayaa kulmay si ay uga wada hadlaan iskaashiga milatari.
Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sidoo kale sheegtay in taliyaha ciidamada dhulka ee Turkiga uu 24-kii Oktoobar qaabilay dhiggiisa Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Kulanka ayaa looga hadlay sii wadista iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca, tababarka iyo amniga, iyadoo la adkeeyay muhiimadda isku-duwidda milatari iyo xoojinta awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Turkiga ayaa muddo dheer Soomaaliya kala shaqeynayay tababarka ciidamada iyo horumarinta awoodda milatari.
Hase yeeshee, xogta hadda la shaaciyay weli ma caddeynayso ujeeddada gaarka ah ee sahayda ay labada markab sidaan.
Labada markab ayaa la filayaa inay Soomaaliya u soo safraan 30-ka Oktoobar, balse nooca qalabka milatari, cidda loogu talagalay iyo waqtiga ay soo gaari doonaan weli si rasmi ah looma shaacin. Faahfaahintaas ayaa muhiim u noqon doonta fahamka ujeeddada safarkan cusub iyo saameynta uu ku yeelan karo iskaashiga difaac ee Soomaaliya iyo Turkiga.
