Sheegashooyin iska soo horjeeda ayaa ka soo baxay cidda hoggaamisay hawlgalkii lagu soo furtay markabka shidaalka ee SIBU 1. Ciidamada Badda Puntland ayaa sheegay inay iyagu fuliyeen hawlgal socday 48 saacadood oo ka dhacay xeebaha Mudug, kaas oo lagu soo furtay markabka laguna badbaadiyay 20-kii shaqaale ee saarnaa.
Puntland waxay sidoo kale sheegtay in hawlgalkii lagu qabtay dhowr qof oo looga shakisan yahay burcad-badeednimo, iyadoo qaar la dilay ama la dhaawacay.
Laakiin waxaa jira sheegasho kale oo ka timid Ciraaq. Sheekh Cali Al-Shaghanbi, oo ah hoggaamiye ka tirsan qabiilka Al-Shaghanba, ayaa sheegay in ku dhowaad 40 nin oo ka tirsan qabiilka ay ka qayb qaateen hawlgalka lagu soo furtay markabka, kaddib markii uu muran ka dhashay lacagtii madax-furashada.
Sida uu sheegay, toddobo burcad-badeed ah ayaa la qabtay, halka qaar kalena ay baxsadeen. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in dad la shaqeeya milkiilaha markabka ay gacan ka geysteen hawlgalka Puntland.
