Website-ka rasmiga ah ee Madaxweynaha Kenya, president.go.ke, ayaa hawada ka maqnaa tan iyo Sabtidii, 18-ka Luulyo, kaddib weerar dhanka internet-ka ah oo lagu qaaday.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in kooxdii ka dambeysay falkaas ay dalbanayaan 41 milyan oo Shilin Kenya ah, oo lagu bixiyo lacagta dijitaalka ah ee Bitcoin, si ay u sii daayaan.
Sidoo kale, bogga ayaa lagu soo bandhigay fariimo lid iyo weerar ku ah Madaxweynaha Kenya, William Ruto, taasoo muujineysa in uusan ahayn oo keliya talaabo lagu hakiyay adeegga, balse sidoo kale lagu sameeyay wax-ka-beddel muuqaalka website-ka.
Ilaa hadda, Aqalka Madaxtooyada Kenya (State House) kama uusan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan weerarka ama dalabka madax-furashada ee la sheegay. Lama oga sidoo kale cidda ka dambeysa weerarka, mana jirto hay’ad si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda.
Ma aha markii ugu horreysay ee hay’adaha dowladda Kenya ay bartilmaameed u noqdaan weerarro dhanka internet-ka ah. Sannadihii u dambeeyay, dhowr website iyo nidaamyo dowladda leedahay ayaa la kulmay dhacdooyin noocan ah, taasoo sare u qaadday walaaca laga qabo amniga xogaha dowladda iyo adeegyada dijitaalka ah.
Beegisga barta Internet-ka madaxweynaha Kenya ayaa ah mid ka mid ah weerarradii ugu waaweynaa ee si toos ah u beegsada website-yada dowladda iyo Madaxweynaha Kenya.
Haddaba, ma awoodi doontaa dowladda Kenya inay si degdeg ah u soo celiso adeegga, mise weerarkani wuxuu muujinayaa nuglaanta amniga dijitaalka ah ee hay’adaha dowladda? Casharro noocee ah ayay Soomaaliya ka baran kartaa dhacdadaan.
