Xafiiska Hawlgalka Kumeel-gaarka Qarimada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), ayaa bogaadiyay dib-u-billaabista wadahalladii dhacay 13-15 May ee dhinacyada Dowladda iyo Mucaradka; iyaga oo u mahadcelinaaya doorka garwadeenka ah ee Beesha Caalamka.
Xafiisku, wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in mar kale uu wadahadalka uu ku soo dhammaday natiijo la’aan; iyada oo aan xal laga gaarin khilaafyada la xiriira doorashooyinka iyo arrimaha siyaasadeed ee dalka iyo la sii wada wadahaddallada looga gogol xaarayo sii wadista wadahadalka.
Sidoo kale, xafiiska waxa uu ku baaqay in la muujiyo is-xakamayn iyo in, mar kale ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso saaxiibbada kale ee caalamiga ah; si loo taageero dadaallada looga gudbayo is-maandhaafka dhexmaray Darafyada Dowladda iyo Mucaaradka.
Baaqa Xafiiska Hawlgalka Kumeel-gaarka Qarimada Midoobay ayaa ku aadayo, xilli uu natijo la’aan ku soo dhammaaday, kulankii u dhaxeeyay dhinacyada Siyaasadeed ee Dowladda iyo Mucaardaka – kaas oo ay garwadeyn ka ahaayeen safiirrada Mareykanka iyo Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya.
