Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa sheegay in ammaanka Marinka Strait of Hormuz uu galay xaalad halis ah, isagoo si toos ah Maraykanka iyo xulafadiisa ku eedeeyay inay jebiyeen heshiiskii xabbad-joojinta ee hore loo gaaray.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli xiisad cusub ay ka dhex qaraxday Iran iyo Maraykanka, taas oo si degdeg ah u saameysay suuqyada tamarta caalamka. Wararka ku saabsan isku dhacyo iyo qalalaase ka dhacay agagaarka Marinka Hormuz ayaa sababay cabsi weyn oo laga qabo in marinkaasi uu xirmo ama uu carqalad ku yimaado isu socodka maraakiibta shidaalka.
Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donal Trump sheegay in maraakiib calanka Mareykanka wadata ay ka gudbeen Marinka Hormuz, xili ay xiisada ay taagan tahay marinka.
Suuqyada Qiimaha shidaalka caalamka ayaa si xooggan u kacay kadib ka dhacay Marinka Hormuz, taasoo shaki gelisay xabbad-joojintii jilicsaneyd ee u dhaxaysay Maraykan iyo Iran.
Brent crude oo ah cabbirka ugu weyn ee qiimaha shidaalka ayaa kor u kacay ku dhowaad 6% isagoo gaaray $114.44 halkii fuusto.
Marinka Hormuz waa halbowlaha tamarta adduunka, wax kasta oo halkaa ka dhaca waxay si toos ah u saameeyaan qiimaha shidaalka meel kasta, oo ay ku jirto Soomaaliya.
