Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ayaa si rasmi ah loogu dhaariyey magaalada Arusha ee dalka Tanzania. Safiirka Soomaliya u fadhiya dalka Tansaaniya Ilyas Ali Hassan ayaa sheegay in dhaarinta xubnahan ay tahay tallaabo muhiim u ah ka mid noqoshada Soomaaliya ee ururka gobolka.
Dhaarinta xildhibaanada ayaa dib u dhacay kaddib dacwad laga gudbiyay oo ku saabsaneyd habraaca loosoo doortay xildhibaanada.
Xildhibaanada waxaa soo doortay labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 15kii oktobar sanadkii hore. Sagaalka xubnood ee la doortay waxay ka kala yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo afar ka mid ahi ay yihiin dumar.
Somalia ayaa bishii November sanadkii 2024 si rasmi ah ugu biirtay ururka bulshada bariga Afrika, taas oo ah tallaabo la filayo inay kordhiso iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo ganacsi ee Soomaaliya iyo waddamada gobolka.
Maxkamadda Cadaaladda ee Bariga Afrika “East African Court of Justice” ayaa laashay go’aannadii hor istaagay dhaarinta xildhibaannada Soomaaliya, taas oo meesha ka saartay caqabadihii ka dhashay muran ku saabsan habka magacaabista.
Guddoonka baarlamaanka gobolka ayaa hore u diiday in xubnaha Soomaaliya la dhaariyo, iyagoo ku sababeeyay in Soomaaliya ay dib uga dhacday bixinta qaaraanka ururka.
Xildhibaannada baarlamanka Bulshada bariga Afrika waxaa si dadban u soo doorta baarlamaannada waddamada xubnaha ka ah ururka. Tani waa markii ugu horreysay ee Somalia ay xubno rasmi ah u dirto baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, tan iyo markii ay ku biirtay ururka.
