Inta badan waxaad maqashaa erayga “kala goynta federaalka” — hadal si joogto ah uga dhex muuqda madallada siyaasadda iyo hadallada madaxda dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa munaasabadda casho-sharafeed ee Maalinta Ciidanka Xoogga Dalka ka sheegay in maamul goboleed kasta oo isku daya ama ku gooddiya kala goynta dalka—haddii aan laga yeelin dalabaadkooda—aan loo dulqaadan doonin, isla markaana arrintaasi ay tahay dambi.
Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Maxamed Fiqi, ayaa sheegay in maamul kasta oo xiriirka u jara dowladda dhexe ay Ciidamada Xoogga Dalka awood u leeyihiin inay soo afjaraan tallaabadaas.
Dhacdadan ma ahan mid cusub. Bil ka hor, madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda dhexe. Arrintaas waxaa xigay cadaadis siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan, ugu dambeyntiina dowladda dhexe ayaa la wareegtay gacan ku haynta maamulka Koonfur Galbeed.
Maamulada kale sida Puntland iyo Jubbaland ayaa iyaguna horey u sheegay inay hakiyeen xiriirka ay la leeyihiin dowladda federaalka.
Dhanka kale, bayaan ka soo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa lagu muujiyay walaac la xiriira in ciidanka qaranka loo adeegsado dano siyaasadeed gaar ah ama loollan awoodeed oo aan sharci ahayn.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay leedahay mas’uuliyadda iyo awoodda ilaalinta midnimada dalka, iyo ka hortagga wax kasta oo wiiqi kara nidaamka federaalka iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
Haddaba, iyadoo ay jiraan hadalladan adag ee ka imanaya Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumaddiisa, ma suuragal baa in dowladda federaalka ay adeegsato awood ciidan—si la mid ah dhacdadii Koonfur Galbeed—si loo soo afjaro maamulada xiriirka jara ama hakiya, sida uu hadalkaba u dhigay Wasiirka Gaashaandhigga?
