Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa inuu kulan albaabadu u xiran yihiin ka yeesho xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa Ethiopia iyo Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafka labada dal uu isu beddelo dagaal toos ah.
Maraykanka ayaa codsaday kulankan, waxaana la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ay warbixin ka dhageystaan Martin Kimani, kaaliyaha xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Afrika.
Kulankan ayaa imanaya kadib markii labada dal ay is-weydaarsadeen eedeymo la xiriira dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo xad-gudubyo dhuleed, kuwaas oo weli muran ka taagan yahay.
Itoobiya ayaa ku andacootay inay xaq u leedahay is-difaacid, halka Eritrea ay Golaha Ammaanka ka codsatay inuu soo farageliyo, iyadoo dalbatay tallaabooyin hoos imanaya Qodobka 7-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay.
Digniinta ugu weyn ayaa ah in xiisaddani aysan ku koobnaan labada dal balse ay saameyn ku yeelan karto amniga Geeska Afrika oo dhan.
Warbixin ay 12-kii Oktoobar soo saartay hay’adda xasaarada addunka, International Crisis Group, ayaa ka digtay in Itoobiya iyo Eritrea ay ku sii dhowaanayaan dagaal toos ah, iyadoo walaac laga muujiyay urursiga ciidamada labada dhinac ee xadka.
Hay’addu waxay ku baaqday dadaallo diblomaasiyadeed oo degdeg ah oo ay hoggaamiyaan dalalka Afrika iyo saaxiibbada caalamka si looga hortago isku dhac.
Dagaal labada dal dhex mara wuxuu saameyn ku yeelan karaa Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan ganacsiga xuduudaha, iskaashiga amniga iyo dhaqdhaqaaqyada milatari ee gobolka. Waxa kale oo uu khatar ku keeni karaa amniga Badda Cas iyo marin-biyoodka muhiimka u ah ganacsiga caalamka.
Kulanka Golaha Ammaanka ayaa ah tallaabo diblomaasiyadeed oo lagu wajahayo xiisadda, balse weli lama oga in dadaallada caalamku ku filnaan doonaan in labada dal laga leexiyo iska horimaad milatari.
