Towfiiq ayaa diiday jadwalka cusub ee doorashada Galmudug, isagoo dalbaday in dib loo eego Guddiga Doorashooyinka ee qabanaya doorashada lagu celinayo. Towfiiq wuxuu ku doodayaa in guddigaasi lumiyay kalsoonida, isla markaana aan lagu aamini karin inuu mar kale maamulo doorasho lagu celinayo.
24-kii Agoosto, Maxkamadda Sare ayaa burisay doorashadii Galmudug ee dhacday 30-kii Luulyo, kaddib dacwad ay gudbiyeen Towfiiq iyo ururro kale.
Maxkamaddu waxay amartay in doorashada dib loo qabto, iyadoo la raacayo Dastuurka iyo shuruucda doorashooyinka. Kaddib go’aankaas, Guddiga Doorashooyinka ayaa 30-ka Sebtembar u asteeyay doorashada lagu celinayo.
Towfiiq ayaa markii hore soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Sare. Hadda se, ururku wuxuu su’aal ka keenayaa guddigii maamulay doorashadii la buriyay. Waxay leeyihiin: Sidee guddigii doorashadii hore ee la buriyay u maamuli karaa doorashada cusub?
Khilaafkan wuxuu ka dhigan yahay in murankii doorashadii hore uusan weli dhammaan. Haddii aan la isku raacin guddiga iyo habraaca cusub, doorashada 30-ka Sebtembar waxay wajihi kartaa diidmo, dacwado cusub iyo su’aalo kale oo ku saabsan sharciyaddeeda.
