Maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Oktoobar ayaa ku eg muddadii loo qabtay wasiirrada xildhibaannada ah inay kala doortaan xilka wasiirnimo iyo xubinnimada Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu dhigayo Dastuurka dalka.
Hase yeeshee, kulan degdeg ah oo ay xalay yeesheen Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey qaraar la xiriira dardargelinta dhaqan-gelinta Dastuurka, taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan tallaabada xigta ee dowladda.
Golaha Wasiirrada ayaa kulankooda ku sheegay in Dastuurku dhaqan-gal yahay, isla markaana hirgelintiisa loo marayo marxalado kala duwan. Sidoo kale, guddi wasiirro ah ayaa loo xilsaaray dardargelinta fulinta Dastuurka iyo diyaarinta hindise-xeerka dhismaha Xukuumadda muddo laba bilood gudahood ah.
Qaraarka la ansixiyey ayaa dhigaya in hay’adaha dowladda ay shaqadooda waafajiyaan qodobbada Dastuurka, sidoo kalena la diyaariyo xeer qeexaya tirada wasaaradaha iyo waajibaadkooda.
Arrintan ayaa imanaysa iyadoo maanta ay ku egtahay muddadii loo qabtay mas’uuliyiinta isku haya labada xil inay midkood doortaan. Weli waxaa muhiim ah in la caddeeyo in qaraarka cusub uu wax ka beddelayo waqtigii hore loo asteeyey iyo in kale.
Qodobka dastuuriga ah ayaa dhigaya in wasiirrada ka tirsan Baarlamaanka ay kala doortaan xilka wasiirnimo iyo xubinnimada Baarlamaanka, taas oo ka dhigan inay midkood ka tanaasulaan.
Go’aanka dowladda ee ku aaddan fulinta qodobkan ayaa la filayaa inuu iftiimiyo sida loo wajahayo mas’uuliyiinta ay khusayso iyo waqtiga dhaqan-gelinta.
Dhaqan-gelinta Dastuurka ayaa weli xuddun u ah khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradka, oo ay ku jiraan maamullada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo dhaliilay hannaanka wax-ka-beddelka Dastuurka iyo arrimaha la xiriira muddo-xileedyada hay’adaha federaalka.
