André ayaa sheegay in loo baahan yahay in la soo afjaro waxa uu ku tilmaamay dagaalka ay dowladda Xasan Sheekh kula jirto shacabka Koonfur Galbeed Waxa uu sidoo kale dowladda ku tilmaamay mid aan sharciyad haysan isla markaana waqtigeedii xil-haynta ka badsatay.
Danjirihii hore ayaa sheegay in hoos u dhaca ku yimid dhaqaalaha gargaarka bani’aadantinimo ee caalamiga ah uu sii adkeynayo xaaladda Soomaaliya Waxa uu isbarbardhigay ku dhowaad laba bilyan oo doollar oo la abaabulay intii lagu jiray abaartii 2022–2023 iyo 160 milyan oo doollar oo dhawaan Qaramada Midoobay u qoondeysay gurmad degdeg ah.
Larry André ayaa sidoo kale tilmaamay in burburka ka jira kaabayaasha maaraynta biyaha iyo amni darrada ka jirta deegaannada ay Al-Shabaab maamusho ay ka mid yihiin arrimaha sii hurinaya dhibaatada cunto yaraanta ee dalka.
Isaga oo ka hadlayay arrinta gargaarka André waxa uu yiri: “In diiradda la saaro gargaarka la daadgureynayo waa arrin muhiim ah balse sidoo kale waa in fiiro gaar ah loo yeesho hab-dhaqanka gebi ahaanba mas’uuliyad-darrada ah ee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadallada safiirkii hore ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysaneyso xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya iyadoo dhaqaalaha gargaarka caalamiga ahi hoos u dhacayo, colaadaha socdana ay halis dheeraad ah ku hayaan dadka nugul ee u baahan gargaar degdeg ah.
