Ma sax baa in dad badan aaminsanyihiin in dhallinyarada ay ka aamuseen arrimaha siyaasadda sababo la xiriira cabsi, niyad-jab ama kalsooni la’aan ay ka qabaan in codkoodu wax beddeli karo Dood kale ayaa ah in dhallinyaradu ay ku mashquulsan yihiin nolol raadis, shaqo la’aan iyo mustaqbal aan weli caddayn.
Soomaaliya waxaa la sheegaa in in ka badan 70%, bulshada ay yihiin dhallinyaro. Waa jiilka ugu badan dalka, waana kuwa ay saameynta ugu weyn ku yeelanayaan xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee soo noqnoqda.
Laakiin, iyadoo Muqdisho iyo qeybo kale oo dalka ah ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo rabshado hubeysan, haddana waxaa muuqata in dhalinyaro badan aysan si weyn uga qeyb qaadan doodaha iyo falcelinta arrimaha taagan.
Siyaasiyiinta iyo madaxda dalka ayaa mar kasta ku celceliya in dhalinyaradu yihiin “hoggaamiyeyaasha berri,” islamarkaana ay yihiin laf-dhabarta bulshada.
Sidoo kale, inta badan farriimaha siyaasadeed iyo ololaha doorashooyinka waxaa si gaar ah loogu wajahaa dhalinyarada.
Laakiin marka la joogo xaaladaha adag ee dalka — sida khilaafaadka siyaasadeed, iyo rabshadaha — ma badna dhalinyaro si muuqata uga hadleysa, wax uga qoraysa ama ka falcelinaysa waxa socda.
Qaar ayaa aaminsan in dhalinyarada ay ka aamuseen siyaasadda sababo la xiriira cabsi, niyad-jab ama kalsooni la’aan ay ka qabaan in codkoodu wax beddeli karo. Qaar kale waxay sheegayaan in dhalinyaradu ay ku mashquulsan yihiin nolol raadis, shaqo la’aan iyo mustaqbal aan weli caddayn.
Baraha bulshada oo noqday goobta ugu weyn ee doodaha siyaasadeed, waxaa inta badan ka muuqda siyaasiyiin, taageerayaal iyo dad si toos ah ugu xiran dhinacyada isku haya siyaasadda. Halka dhallinyaro badan ay doorbidayaan daawasho iyo aamusnaan, xilli ay iyagu yihiin kuwa ugu badan ee saameynta mustaqbalka ka dhaxli doona.
Haddaba, haddii dhalinyaradu yihiin mustaqbalka dalka — maxay uga aamusan yihiin xaaladaha maanta jira? Mise aamusnaanta lafteedu waa fariin ka tarjumeysa sida ay uga niyad jabeen siyaasadda Soomaaliya?
