Degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ayaa gashay maalinkeedii afaraad iyadoo xiran, xilli ay weli socdaan hawlgallo ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay “hub ka dhigista” iyo sugidda amniga caasimadda.
Dowladda ayaa maalmahan soo bandhigaysay hub kala duwan oo ay sheegtay in lagu qabtay howlgalada socda. Hase yeeshee, ilaa hadda lama shaacin cidda hubkaas lahayd ama shaqsiyaad loo qabtay hawlgalkaasi, arrintaas oo dhalisay su’aalo iyo doodo xooggan oo ka taagan baraha bulshada.
Mucaaradka iyo qaar kamid ah dadka dhaliila dowladda ayaa hawlgalka ku tilmaamay mid siyaasadaysan oo lagu bartilmaameedsanayo dhinacyada kasoo horjeeda dowladda, halkii uu ahaan lahaa hawlgal amni oo guud.
Sidoo kale, dadka isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga falceliyay sawirrada hubka la soo bandhigay. Qaar ayaa ku dooday in hubkaasi u muuqdo mid cusub oo aan la isticmaalin, iyaga oo ku eedeeyay dowladda inay kasoo saartay bakhaaradeeda.
Qaar kale ayaa adeegsaday farsamada AI si ay sawirrada hubka ugu beddelaan miro iyo qudaar, iyaga oo arrintaas ugu duur-xulaya Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo qaabka loo maareeyay bandhigga hubka.
