Degmada Cabdicasiis ayaa weli xiran, iyadoo weli halkaasi ku suganyihiin ciidamo la sheegay inay ka amar qataan Madaxtooyada. Xannibaadda amni ee degmada ka jirta ayaa si weyn u saameysay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa bulshada.
Xisbiga Himilo Qaran ayaa beeniyay wararka sheegaya in hubkii ay Sabtidii soo bandhigeen Booliska Gobolka Banaadir uu ka tirsanaa xisbiga ama laga soo qabtay hoyga uu degmada Cabdicasiis ka deggan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Ciidamada Dowladda oo gudaha u galay Hotel Elite
Wasiirkii hore ee Amniga Cabdillaahi Maxamed Nuur, oo ah milkiilaha Elite Hotel, ayaa sheegay in ciidamo hubeysan ay si xoog ah ku galeen hotelka, isaga oo ku eedeeyay in tallaabadaasi ay ka badnayd baaritaan amni, isla markaana ay noqon karto mid lagu burburinayo ama lagu boobi karo hanti.
Wuxuu sheegay in mas’uuliyadda dhacdadaasi uu dusha ka saarayo Madaxtooyada Soomaaliya.
Aargoosi Siyaadadeed
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa asna si adag uga hadlay weerarka lagu qaaday Elite Hotel, isaga oo ku tilmaamay aargoosi siyaasadeed.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in hubka iyo awoodda dowladeed, marka ay galaan gacmo aan ku shaqeyn xeerar cad, hay’ado madax-bannaan iyo anshax hoggaamineed, ay isu beddeli karaan aalad lagu cabburiyo muwaadiniinta, lagu huriyo colaad, laguna fuliyo dano gaar ah, halkii looga adeegsan lahaa ilaalinta shacabka, hantidooda iyo sharciga dalka.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay weli jirto xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa dowladda Federaalka iyo mucaaradka, inkastoo dadaallo lagu dejinayo xaaladda ay socdaan. Haddana, tallaabooyinka amni ee socda ayaa sii kordhinaya walaaca laga qabo jihada xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Muqdisho.
