Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa ka socda qaybo kala duwan oo Soomaaliya ah — laga bilaabo Muqdisho iyo nawaaxigeeda, ilaa Koonfurta Soomaaliya. Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay inay wadaan hawlgallo ka dhan ah shabakadaha kooxda, halka Mareykankuna uu sii wado duqeymaha cirka.
Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, NISA, ayaa sheegtay inay burburisay shabakado Al-Shabaab ah oo ka howlgallayay Muqdisho iyo deegaannada ku dhow. Howlgallada ayaa ka dhacay Daarusalaam, Garasbaaley, Kaxda iyo Dayniile, iyo sidoo kale Afgooye.
NISA waxay sheegtay in lagu qabtay 11 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale la qabtay hub iyo agab kale. Hay’addu ma aysan shaacin faahfaahinta eedeymaha rasmiga ah ama waxa ay noqon doonaan tallaabada xigta ee sharci.
Duqeymaha Mareykanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sidoo kale socda. Taliska Mareykanka ee Afrika, AFRICOM, ayaa xaqiijiyay duqeyn cusub oo 14-ka Sebtembar ka dhacday agagaarka Saacow ee koonfurta Soomaaliya, taas oo lagu bartilmaameedsaday xarun uu sheegay inay leedahay Al-Shabaab.
AFRICOM sidoo kale waxay xaqiijisay duqeymo kale oo dhacay horraantii bishan, oo ay ku jiraan kuwa 4-ta, 5-ta iyo 8-da Sebtembar. Duqeymahan ayaa qeyb ka ah iskaashi amni oo u dhexeeya Mareykanka, dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Soomaaliya.
Koonfurta Soomaaliya, ciidamada dowladda iyo AUSSOM-na waxay sii xoojinayaan howlgallada wadajirka ah. Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa weli kamid ah meelaha ay ciidamada Soomaaliya iyo AUSSOM ka wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.
AUSSOM ayaa horey u xaqiijisay howlgallo wadajir ah oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dhulka ay taageero ka heleen awoodda cirka, kadibna ay la wareegeen goobihii laga howlgalay
Saddex dhinac ayaa hadda isku mar ka shaqeynaya cadaadiska Al-Shabaab — ciidamada Soomaaliya oo dhulka ka howlgala, AUSSOM oo taageerta howlgallada, iyo Mareykanka oo duqeymaha cirka wada. Hadaba, Cadaadiskan sii kordhaya ma wiiqi karaa awoodda Al-Shabaab ee ay ku weerarto magaalooyinka iyo waddooyinka muhiimka ah?
