Soomaaliya waxay mar kale wajahaysaa xaalad bani’aadamnimo oo sii adkaanaysa. Malaayiin qof ayaa u baahan gargaar, halka nafaqo-darrada ay weli si gaar ah u saameynayso carruurta. Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa dowladda ku dhaliilay inay ka gaabisay qorshe wax looga qabanayo xaaladda.
Kheyre ayaa sheegay in 4.8 milyan oo Soomaali ah ay hadda u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo. Tiradaas waxay la jaanqaadaysaa xogta Qorshaha Istaraatiijiyadda WFP ee Soomaaliya, oo sheegaysa in 4.8 milyan oo qof ay u baahan yihiin kaalmo bani’aadamnimo sababo ay ka mid yihiin colaadaha, abaaraha, fatahaadaha, cudurrada iyo barakaca.
Kheyre wuxuu sidoo kale sheegay in ku dhowaad 6 milyan oo qof ay wajahayaan cunno la’aan daran, halka ku dhowaad 1.9 milyan oo carruur ah ay la ildaran yihiin nafaqo-darro ba’an.
“6 milyan oo ruux ayaa maanta wajahaya gaajo iyo cunto-yari baahsan, halka ku dhowaad 2 milyan”. — XASAN CALI KHEYRE. Laakiin khatartu kuma eka nafaqa darro iyo abaar. Xilli-roobaadka Deyrta ee soo socda ayaa laga digayaa roobab badan iyo fatahaado
Hay’adda FAO iyo xarunta saadaasha cimilada ee ICPAC ayaa sheegay in xaaladda El Niño ay kordhinayso khatarta roobab culus iyo fatahaado inta u dhexeysa Oktoobar iyo Diseembar 2026.
ICPAC waxay saadaalisay 90 boqolkiiba roobab ka badan caadiga oo ka da’a qaybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. FAO-na waxay sheegtay in tani ay kordhin karto khatarta fatahaadaha, gaar ahaan dooxooyinka Jubba iyo Shabeelle.
Marka la isku daro gaajo, nafaqo-darro, barakac, khatarta fatahaadaha, iyointa qof ee maanta u baahan gargaar. Waxa mudan in la isweydiiyo, Soomaaliya ma u diyaarsan tahay waxa soo socda? WFP waxay sheegtay in baahida gargaarku sii kordhayso xilli maalgelinta bani’aadamnimo ay aad u yar tahay.
Hay’addu waxay hadda sheegaysaa inay u baahan tahay 193.8 milyan oo dollar si ay u sii waddo taageerada naf-badbaadinta ah ilaa Janaayo 2027.
Soomaaliya waxay sidaas darteed wajahaysaa laba khatarood oo is dul saaran: Abaaro iyo gaajo hadda jirta — iyo fatahaado laga cabsi qabo bilaha soo socda. Qorshayaasha dowladda iyo hay’adaha gargaarku ma ku filnaan doonaan in laga hortago in xaaladda bani’aadamnimo ay isu beddesho xaalad ka sii daran.
