Ma xasuusataa bishii Janaayo markii taliska booliska Muqdisho uu soo saareen amar mamnuucaya in askari hubeysan raaci karin mooto feekonta? Dabcan, amarka waa soo baxay, laakin cid dhageysatay ma jirto, oo maalin walba ayaa la arkaa askari hubeysan oo mooto saaran.
Suaal muhiim ah ayaa waxay tahay, maxaa keenaya in awaamiir la soo saaro iyadoo aan la hayn qorshe cad oo lagu dhaqan-geliyo?
Arrinta kamaradaha lagu xirayo goobaha ganacsiga iyo guryaha—wali si buuxda looma hirgelin, iyadoo weli booliska ku adkeysanayo inay tahay qasab. Tan ugu yaabka badneyd wasay ahayd markii manishiibiyada iyo duqa Muqdisho sheegayeen in koofiyadaha aan lagu qaadan karin magaalada.
Dadku way la yaabeen—maxaa yeelay waxay u muuqatay amar macnihiisu aan la fahmin.
Ugu dambeyna, waxba kama hirgelin.
Mararka qaar awaamiirta si fudud ayay “waqti uga dhacaan”—iyadoon dowladdu si rasmi ah u sheegin in la joojiyay. Tusaale ahaan, xayiraadihii xilligii COVID-19—qaarkood weli si cad looma qaadin. Socdaalka, karantiilka, xeerarkii duulimaadyada—qaarkood waxay ku dhammaadeen si aamusan, halkii si rasmi ah loo fasixi lahaa.
Marka amar la soo saaro oo aan la fulin, waxa dhaawacma kalsoonida lagu qabo hay’adaha fulinta. Marka amar la daayo oo aan si cad loo qaadin, waxa abuurmi kara in la sahashado shurucda. Awaamiirta qaarna marka horaba waxay u muuqdaan kuwa aan laga fiirsan
Dowladdu waxaa laga aamini karaa mid degdeg ugu dhawaaqda awaamiir…
Laakiin ka gaabisa fulintooda—iyo xitaa ka noqoshadooda. Teebaa muhimsan, ma inta awaamiir ee la soo saaro—ee waa inta la dhaqan-geliyo?
