Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed ayaa shaacisay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka, oo ka kooban 9 xubnood, kuwaas oo loo xilsaaray qabashada doorashada dadban ee madaxweynaha maamulkaas.
Magacaabista guddigan waxaa si diirran u soo dhaweeyay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Mursal, iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo kasoo jeeda deegaannada Koonfur-Galbeed.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka ay ku dhawaaqday in dalka uu si rasmi ah u galay marxalad doorasho. Wasaaradda ayaa sidoo kale adkeysay in geeddi-socodka doorashooyinka uu noqon doono mid xor iyo xalaal ah, isla markaana lagu ilaalinayo xuquuqda muwaadiniinta. Waxaa kale oo ay Wasaaraddu fartay in maamulada degmooyinka Koonfur-Galbeed ay sii shaqeeyaan ilaa laga soo dooranayo kuwo cusub, si looga hortago firaaq maamul.
Halka Dowladda Federaalka ay ka hadleyso hannaan doorasho oo mideysan, Koonfur-Galbeed waxay u muuqataa inay qaadayso tallaabooyin u gaar ah—taas oo su’aal gelinaysa sida ay isu waafaqi karaan qorshayaasha heer federaal iyo kuwa maamul goboleed iyadoo khilaafka u dhexeeya mamuulka koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka sii xoogeysanayo.
Ilaa hadda lama oga goorta ay doorasho aadi doonaan maamulada kale sida Hirshabeelle iyo Galmudug—iyadoo Koonfur-Galbeed ay u muuqato inay dooratay waddo u gaar ah, oo ka madax bannaan jadwalka federaalka, sida Jubbaland.