Maanta magaalada Muqdisho waxaa ka dhacaya banaanbax looga soo horjeeda waxa ay dowladda Soomaalia ku tilmaantay xadgudub ay Israa’iil ku sameysay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Banaanbaxa maanta ayaa yimid kaddib booqashadii uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Saar ku tagay Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya balse sheegta gooni-isu-taag.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay booqashadaas, iyadoo ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax-bannaanida dalka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabadan ay si toos ah uga hor imanayso sharciga caalamiga ah iyo qawaaniinta ixtiraamka xuduudaha dalalka.
Banaanbaxyada maanta ka socda Muqdisho ayaa muujinaya sida ay dadweynuhu uga falcelinayaan tallaabadii ugu dambeysay ee Israa’iil, gaar ahaan booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas uu ku tagay Somaliland. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in arrintani tahay faragelin toos ah oo ka dhan ah midnimada dalka, iyadoo digniin u dirtay beesha caalamka.
Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa ku soo aadeysa todobaadyo kaddib markii Israa’iil ay ku dhawaaqday aqoonsiga Somaliland.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in Somaliland ay tahay qayb aan ka go’i karin Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin cid xaq u leh ku xadgudubka madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka.
