Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u joojisay dhammaan duullimaadyadii milatari, kuwa gaarka-ah iyo kuwa xamuul ee Imaaraadka Carabta ee ka degayay dhammaan garoomada dalka.
Go’aankan ayaa yimid kaddib eedeymo sheegaya in Imaaraadka Carabta ay fududeysay bixitaanka hoggaamiye ka tirsan gooni-u-goosadka Koonfurta Yemen, Caydaruuus Al-Zubaidi, kaas oo la sheegay inuu dhulka Soomaaliya soo maray.
Warar is-khilaafsan ayaa tilmaamaya in Al-Zubaidi uu Imaaraadka u safray isaga oo maray Somaliland, halka warar kale ay sheegayaan in laga qaaday garoonka Muqdisho, kaddib markii uu dalka ka soo galay dekedda Berbera.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa sheegtay inay billowday baaritaan degdeg ah, si loo hubiyo in aan lagu xadgudbin sharciyada dalka, habraacyada socdaalka iyo madax-bannaanida qaranka.
Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa horeyba u ahaa mid dhacsan, gaar ahaan kaddib aqoonsigii Israa’iil ay siisay Somaliland, arrin ay falanqeeyayaasha siyaasadeed tuhunsan yihiin in Imaaraadku door ku lahaa.
Inkasta oo la joojiyay duullimaadyada milatari iyo kuwa private-ka, haddana duullimaadyada rayidka ah ee Imaaraadka weli way socdaan. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin dheeraad ah haddii baaritaanku xaqiijiyo eedeymaha.
