Ciidanka dowladda iyo kuwa mucaaradka Koonfur Galbeed ka abaabuleen deegaanada Koonfur Galbeed, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xasan Eelay iyo Taliyaha Gobalka Bay, ayaa gudaha u galeen Baydhabo, sida ay muujiyeen muuqaalo ka soo baxay Magaalada.
Muqaalada ayaa sidoo kale muujinaya isu soo bax dadweyne, iyadoo aan la ogeyn warna laga laga hayn Cabdicasiis Laftagareen ilaa hadda. Ciidamadaan ayaa maalmihii u danbeyay dhaqdhaqaaq ka wadaday Buurhakabe iyagoo loo diyarinayay inay gaaraan Baydhabo.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada maamulkaas ay xiriir toos ah la leeyihiin Al-Shabaab.
Dhanka kale, maamulka Koonfur-Galbeed ayaa si la mid ah eed ugu jeediyay Dowladda Federaalka—iyagoo sheegay in wada-shaqeyn ay jirto. Is-eedeyntan is-dhaafsan ayaa mar kale soo celisay su’aasha weyn: yaa dhab ahaantii Al-Shabaab ah?—iyadoo xaaladdu ku beegan tahay xiisad siyaasadeed iyo abaabul ciidan oo ka socda Koonfur-Galbeed.
Xiisadda sii kordheysa ayaa ku soo beegantay xilli warar kala duwan ay sheegayaan in dagaal uu dhex maray ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab, iyagoo ku sii jeeday Baydhabo—inkastoo faahfaahin dheeri ah weli la sugayo.
Haddaba, yaa dhab ahaan Al-Shabaab ah?
Jawaabtu waxay u baahan tahay caddeyn, hufnaan, iyo kala saarid u dhexeeya dagaalka dhabta ah iyo loollanka siyaasadeed—si aan eraygu u noqon mid si fudud loogu adeegsado eedeyn.
Midwoga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in xiisadda lagu xalliyo wadahadal iyo is-xakameyn, lagana fogaado tallaabo kasta oo xaaladda sii kicin karta.
