Magaalada Baydhabo ayaa toddobaadkan martigelineysa wufuuddii ugu cusleyd ee ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya—iyadoo Jimcihii uu gaaray Madaxweynaha dalka, Xasan Sheekh Maxamuud.
Socdaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Koonfur-Galbeed ay ku jirto marxalad xasaasi ah oo kala guur siyaasadeed.
Amniga oo La Adkeeyay
Amniga magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana halkaas ku sugan hoggaanka ugu sarreeya hay’adaha ammaanka—oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Xoogga, Taliyaha Booliiska, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada.
Mas’uuliyiintan ayaa gudbinaya farriin mideysan: in ciidamada ay ka madax bannaan yihiin siyaasadda, isla markaana aan awood gaar ah loo adeegsan karin. ayuu yiri
“Ma jirto cid adkaatay oo wixii ay rabto sameyn karta, mana jirto cid laga adkaaday oo wixii la rabo lagu sameyn karo.”
Baydhabo waxay maanta u muuqataa magaalo deggan. Waxaa socda dadaallo lagu xoojinayo xasilloonida amni iyo mid siyaasadeed, kaddib bixitaankii hoggaankii hore iyo isbeddellada taagan.
Si kastaba, waxaa weli jira cabsi laga qabo isku dhacyo qabiil ama falal aargoosi ah, haddii aan si taxaddar leh loo maareyn xaaladda.
Jihada Xigta
Dowladda Federaalka ayaa u muuqata inay qaadatay doorka dejinta xaaladda—iyadoo xoogga saareysa amniga iyo xalinta tabashooyinka jira. Dhanka kale, Baydhabo waxaa la filayaa maalmaha soo socda inay si buuxda ugu jeesato doorashada madaxweynaha Koonfur-Galbeed—iyadoo loollanka siyaasadeed uu sii xoogeysanayo.
Baydhabo maanta waa xarunta go’aan qaadasho—waxaana wada jooga madaxda ugu sarreysa dalka, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, xubno ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale.
Isu dheellitirka amni iyo siyaasad ayaa go’aamin doona jihada mustaqbalka Koonfur-Galbeed.
