Waxaa soo baxaya ifafaalo muujinaya in gogoshii wadahadal ee Dowladda Federaalka u fidisay Golaha Mustaqbalka ay qabsoomi karto toddobaadka nagu soo fool leh.
Warar aan ka helnay ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in 9-ka Febraayo la filayo inay Muqdisho yimaadaan madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland Siciid Deni.
Shirkan — oo ay dowladdu hore ugu casuuntay Golaha Mustaqbalka si heshiis looga gaaro arrimaha wax-ka-beddelka dastuurka iyo doorashooyinka — ayaa markii hore loo qorsheeyay inuu qabsoomo 1-da Febraayo, balse baaqday.
Madaxda Puntland iyo Jubbaland, oo la filayay inay yimaadaan Muqdisho 2-da bishan si ay uga qeybgalaan shirka, ayaa safarkooda baajiyay kaddib markii ay ku eedeeyeen xukuumadda inay hawada ka celisay wufuud iyo ciidammo ilaalin ah oo hordhac u ahaa socdaalkooda.
Dhankeeda, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaantay dhacdadaas mid “nasiib darro” ah, iyadoo ku celisay inay diyaar u tahay wadahadal isla markaana ay ka xun tahay dib-u-dhaca ku yimid qaar ka mid ah wufuuddii Golaha Mustaqbalka.
Kulamo ay wakiillada beesha caalamku la yeesheen Golaha Mustaqbalka ayaa lagu falanqeeyay caqabadaha horyaalla iyo sidii loo dardargelin lahaa wadahadallada la qorsheeyay, waxaana la sheegay in dhinacyada qaar ka gaareen waanwaan.
Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka waxay u muuqdaan inay mar kale ku heshiiyeen qabsoomidda shirka, iyadoo imaanshaha Axmed Madoobe iyo Siciid Deni la filayo — inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin jadwalka kama dambaysta ah.
