Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashada Madaxweynaha Galmudug, iyadoo codbixinta loo asteeyay 20-ka Luulyo.
Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyay tirada codbixiyeyaasha laga diiwaangeliyay Galmudug, oo gaareysa 215,860 qof, kuwaas oo ka kala diiwaangashan gobollada Galgaduud iyo Mudug.
Shaacinta jadwalkan ayaa timid kaddib markii la xalliyay ismari-waagii hareeyay geeddi-socodka doorashada Galmudug.
Xallinta khilaafka ayaa la sheegay inay hormuud ka ahaayeen Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Salaad, iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo 24-kii Juun booqasho ku tagay magaalada Dhuusamareeb.
Saddex maalmood kaddib booqashadaas, xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Liibaan Axmed Xasan yahay musharraxa xisbiga.
Wararka siyaasadda ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay si weyn u taageereyso musharraxnimada Liibaan Axmed Xasan.
Doorashadan ayaa si dhow isha loogu hayaa, maadaama ay kusoo beegmeyso xilli ay weli taagan yihiin doodaha la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo loollanka siyaasadeed ee dalka.
