Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu wargeliyay Midowga Afrika inuu joojin doono taageerada uu siiyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), marka uu dhammaado heshiiska hadda jira 31-ka Diseembar 2026.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in go’aankan uu salka ku hayo, guul-darrada ka jirta mideynta siyaasadda dalka, dib-u-habaynta ciidamada amniga iyo la wareegidda mas’uuliyadda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.
Wargelin loo diray Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Washington aysan taageeri doonin cusboonaysiinta howlgal kasta oo ay qayb ka tahay UNSOS ama taageero kale oo saadka iyo hawlgalka ah oo ay bixiso Qaramada Midoobay.
Mareykanka ayaa xusay inuu tan iyo sanadkii 2007 Soomaaliya ku bixiyay ku dhawaad 4 bilyan oo doollar, si loo taageero amniga, la dagaallanka argagixisada iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda.
UNSOS ayaa muddo dheer bixinaysay adeegyo muhiim u ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin saadka, gaadiidka cirka, qalabka iyo adeegyada kale ee taageera ciidamada.
Go’aanka cusub ayaa ka dhigan in taageeradaas ay dhammaan doonto dhammaadka sanadka 2026.
Go’aankan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay ku jirto xaalad khilaaf siyaasadeed, iyadoo ciidamada Midowga Afrika ay door muhiim ah ka qaataan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Waxaa la filayaa in tallaabadan ay saameyn ku yeelato doodaha ku saabsan mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo qaabka loo maalgelin doono taageerada ciidamada caalamiga ah ee jooga Soomaaliya.
